Waxkabaro Dhaqaalaha(Economics)
Side ku hana kartaa jaceylka dhabta ah.?
Aqriso qisan dhabta ah ee ku dhacdey qoraha bagekan ee codkasuxufiga.n.nu (Mmc Deeq)
Waxay aheyd maalin aad iyo aad jawigu u macan badan yahay oo roob hawadu isa soo xirey oo neecaw macan oo udgoon badan ay dadku sanka la raacayaan ilyartuna ay is qabatey waxayna aheyd casar jawiguna aad iyo aad kuu xiiso galinaayo,MustafDeeq oo ka soo rawaxay markaas school ayaa wuxuu la kulmey inan ay ragi xoogayaan oo ay rabbaan in ay kufsadaan runtii MustafDeeq inantaasi ma uu san aqoonin oo maalintaas ayaa isku gu horeysey.
Mustafdeeq markii uu arkey in gabadhan meesha mareyso la xoogi rabo ayaa uu u gurmadey ragii ka dhiciyey oo ragii ayey halkii isku laayeen MustafDeeq iyo ragii intii ay is heysteen ayaa ay inantiina carartey.
Ka dib Mustafdeeq dagaal ka dib ayaa waxaa u soo gurmadey dadkii jidka maraayey oo ragii kala dhiciyey Mustafdeeq oo la yaaban halka ay ka dhacdey gabadha iyo waxa xilligaa meesha keeney oo is weydiinaya aayaa gurigoodii tagey.
Mustafdeeq ayaa waxa u soo dhawaadey imtixaankii,imtixaankii isaga oo u sii cararaya schoolkii oo uu habsaamey ayaa wuxuu arkey inantii uu badbaadinaayey oo jidka socota salaan ka dib wuxuu weydiiyey wixii maalintaas meesha keeney ka dibna waxay ugu jawaabtey runtii waxaad tahay wiil aad iyo aad u wanaagsan maalintaasna hadi aanad I badbaadin laheyn runtii saacadan waxay nolosheydu gali laheyd halis.
Mustafdeeq oo aftahan ahaa ayaa ugu jawaabey abaayo macaanto runtii noloshu waa meerto maalin adiga ayaa wax badbaadinaaya maalin Adiga ayaa lagu badbaadinayaa.
Intaas markii la maraayo ayey tiri magacaa markaasuu yiri Deeq Mohamed Ali oo ku magac dheer (Mustaf Deeq) adigana markaasey tiri magaceygu waa Canab Axmed maxamed oo ku magac dheer ayey itiri (Canabeycadaan) ka dib isbarasho ka dib ayaa waxaa la kala qortey lambaradii Mustaf Deeq ayaa ku yiri abaayo macaanto waan kula soo hadli doonaa hadii ilaahey yiraahdo hada imtixaankii ayaa ku sii socdaa jaw jaw ayaa lagu kala tagey maalintaas.
Dhanka kale waxaa CANAB niyadeeda ka tiri runtii wiilkan waa wiil aad iyo aad u wanaagsan oo qurux badan damac ayaana ka galey wiilkii dhinac kalena Mustafdeeq ayaa intii uu imtixaanka ku jirey la hor keenaa gabadhii uu badbaadinaayey qurux deeda wuxuuna niyadiisa ka dhahay.
Nafteydaay hogaamisey ladhi waayey hurdada halkeed baad Canabey u soctaa.
Dhinaca kale CANAB CADAAN ayaa waxay dareemeysey maalintaas neecaw jaceyl waxayna tidhi necawda jaceylka nacabka jiroo naceybka ka dhowr runtii maalintaas CANAB iyo Mustaf Deeq waxay ku wada jireen Hasaawe ah hasaawihii hawada.
Lasoco qeybta 2:-
Webmasterka: www.Codkasuxufiga.n.nu
Deeq Mohamed Ali (Mmc Deeq)