Waxkabaro Dhaqaalaha(Economics)

Waxkabaro Dhaqaalaha(Economics)


-Ilaah baa Mahadleh Naxariir iyo nabadgalyo Nabi maxamed Korkiisa ha ahto-


waxaan halkaan kusoo bandhigi doona qoraalo kookoban kuwaas oo macno weyn kabixin doona Madada Dhaqalaha(Economic subject).
Qoraladaas oo ay ka faidaysan donaan guud ahaan Qofki akhrista,ama jecel in u wax ka ogaado Economics iyo gaar ahaanba ardeyda jecel in ay bartaan Dhaqalaha.
casharadaas oo aan kusoo aruurinay in uu qof walba figrad fiican ka heysan doono Dhaqalaha.

Waxeynu ognahey in Cilmigu ama aqoontu ay tahey Warbixin aad hesho(Information).
Hadaba hadii aad fursad u hesho aad ku akhrisato fadlan gaarsi walaalka kaleeto si uu isna uga faa’idaysto.

Inta aan uguda galin, waxaan qofkasta kadonayaa in uu isoo gudbiyo figrada lasoo gudbonata markuu akhiristo qoraalkan,adigoo isoo diri kara waraaq(Electronic-Mail).

Hordhac

Dunida maanta lajoogo Dhaqaalahu(Economic) wuxuu kanoqday wax dhamaan bushada kunool Aduunka in ay noqdaan dhaqaalyahano(Economic minded).
Gaar ahaan dadka ku nool dunida sedexaad waxey ogadeen in Barashada dhaqaluhu(Economics) uu usahlo xalinta dhibatadooda dhaqaale iyo tooda bulshadaba.

Sidaa darted madada Dhaqaaluhu, manta waxey noqotey mid aan lasoo koobi Karin faidooyinkeeda.
Hadaba waxaa muhiim ah in aan halkaan kuxusno Madadaas, inagoo sheegi doonta , Asal ahaan erayga economic meesha uu ka yimid, sidii uu ubaxey,Herarka uu soo marey, Qeybaha uu ukala baxo ama loo qeybiyo inaga oo adeegsaneyna habka ugu hufsan una egayna in aan soo koobno qoraalkeena.

Ecomomic waa maado labarto madadaaso dad badani ku tilmamaan(King Subject-madadii boqortooyada). 
Professor Naiz Ahmed isagoo tusale ka bixinaya ayuu yiri Madaxweynaha wadankan(Pakistan) Genenal Barfeez Musharaf ayaa markii uu xukunka qabanaayey yiri “waan garanayaa aqoon badan inkastoo aan garaneyn Economics waxaana khasab ah in aan barto Dhaqalaha”(isagoo manta sifiican ubartey) taasi waxey ku tusinaysaa in aysan aheen maado raqiis ah

 

madadaani wa maado wax walba ka turjumaysa una sahleysa Hogaaka wadanka haya in uu sifiican Uhago Wadankaas hadii uu yaqaan Ecomonomics.

 

Meaning Of Economic 
*Erayga Economic waxaa ladhahaa markiisi hore wuxuu ka yimid , dadkii Creekga oo ay oran jirayn Oikonomes.
sida aynuba ognahey dadka Greekgu waa dadki laga soo garey waxyaabo badan oo hadii aad baarto aad ogaaneyso.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan maxey iyagu u isticmaali jireen?
-waxay u isticmali jireen maamulka guriga(Management of house Affaris).
hada suasha taal waxa weeye see buu ku noqdey Economics madaama uu ahaa(Oikonomos)?

Markii ay bilaabmeen kacaanki warshadaha Dowlada Britishku 1770, waxaa suurta gashey in ay warshado badan bilaabman, hada waxaa la ogyahey hadi ay wax soo kordhaan in ay wax layimadaan.
Kacaankaas ayaa waxaa bilaabmay dhibato xaga dhaqalaha ah(economic Problem). Dhibatadaas oo saameysay shaqo la’an(Un-empleyment),Gadiidka(transport) etc.

Kadib waxey noqotey in in loo baahdo sidii loo darsi lahaa dhibatooyinkaas. Si marka loo darso dhibatooyinkaas soo foodsarey Dalka Engiriiska ayey noqotey in lagu xaliyo Magaca(Economic). Sidaas buuna ku noqdey Economic.

Waxaana magaca Economic bixiyey oo awal loo aqoon jiray Oikonomos ku turjumay luqada uu hada yahey(Economics) Adan-Smith .
Waxaana Adan smith noqdey abihii dhaqaalaha(father of Economic).|
1776 ayuu book qorey Adan-Smith wuxuuna ubixiyey”Wealth Nation”. Wuxuna ku qeexay “Economic is a science of Wealth”.

Hadaba hadii aynu usii kuda galno Qexitaankas. Waxey natusinaysaa erayga “Wealth” oo ah Hanti kana koobma aferqeybood oo kala ah:
1.Wax soo saar(Production) 
2.Iswaydaarsi(Exchange)
3.Qaybin(Distribution)
4.Isticmaal(Consumption)

Hantidu( Wealth) maxey Tahey?
Hantidu(Wealth) waa badeecada(Goods) iyo Adeega(service ka).marka qexidaasi waxey u dhaceysaa Dhaqaaluhu in uu yahey Badeecad iyo Adeeg gediskoodu(transaction) koodu yahey Lacag.

**Hada waxeynu ogaaney meesha uu ka yimid,sida uu ubaxey iyo qofkii bixiyey magaca (Economics). Hadaba heerarka uu soo marey iyo inta uu ukala baxo inaga oo soo kobeyna maxaa yelay halkaan kuma soo koobi karno Madadaan.**

Ka dib markii horomirin lagu sameeyey lana Balaariyey wuxu noqdey(Political Economy). Eraygaas oo manta kahadla ama loo isticmaalo waxyaabo badan oo ah Dhaqalaha Wadan u leeyahey.

Hadaba intee qeyboob baa loo qeybiya ?
waxaa jira laba qeybood oo kala ah:
1.Theoritical Economics
2.Applied Economics.
Hadii aynu ku horeeno Qeybta kowaad 
1.Theoritical Economic:
Guud ahaan dhaqalu waa Sceince kaas oo darsa waxqabadka dhaqaalaha dadka oo ku wajahan nolasha Bulsada. 
Hadaba qeybtaan waxey nasiisa Tools aynu u isticmaalno in aan ku lafagurno Dhibatada dhaqalaha soofood saarta Dadka.

Waxeyna u qeyb santaa labo qeybood oo kala ah:
1.Micno-Economic
2.Macro-Ecnomic
Micro-Economic
Micro waxeynu ogsoonahey in ay tahey waxyar, sidaa darted Micro-Economic waxaa loo isticmalaa in lagu wajaho waxyaabaha yar yar ee dhaqaaluhu leeyahey sida dalabka ay leedahey badeecadi(Demand product) sidoo kaleeto markii shey ama badeecad laqimeynayo waxeyna uqeybsantaa aftar waxyaalood ay hantidu(Wealh) leedahey sida:
1.Wax soo saar(Production) 
2.Iswaydaarsi(Exchange)
3.Qaybin(Distribution)
4.Isticmaal(Consumption)

 

Macro-Economic
Macro waxey ka timid arey Greek ah oo la oran jiray “Makros” kaas oo macnihiisu yahey baaxad ama weynaan “Large”. Sidaa darted Macro-Economics waxaan kubaranaa Qeybaha waa weyn ee dhaqaalaha. Taasoo natusunaysaa tusala’ahaan (Example)in taan gaar ahaan Ardey(Student) ka hadli laheen in aan kahadalno Dhamaan waxa dhigta Fasal.
hadaba qeybtaan waxaa hormariyey J.M Keynes. 
Waxeynu ku baranaa qeybtaan wax yaabo badan oo dowlada laxirrira sida:

1 dakhliga ay dowladi leydahey ama(National Income),
2.Ganacsiga Kharajka ama Dibada(Forieng Trade),
3.Qimaha sarifka lacagaha(Exchange rate determination),
4.Dhaqaalaha guud ee bulshada (Public Finance) 
5.in loo dhuun daloola wax yalaha keena shaqo la’anta(Un-employment). 
6.Koritaanka iyo hormarka(Growth and Development).
waxaan filayaa

2.Applied Economic
Qeybtaan waxaan ku barana in aan ku wajahno wixii aan kusoo baraney qeybti hore oo aheed Aragti ama figrad maskaxeed oo la abuuray(Theoritical Economic). 
Inagoo kusameynayna xalada xaqiiqda dhaqaalaha uu wadan leeyahey.
inagoo shaqadii qabeynaya ayaan ku wajaheyna(Appley). Tusaale ahaan ,adigoo raba in aad ogaato shaqa lahaanta wadanka ka jirta ama aad ogaato koritaanka iyo hormarka Somalia ayaad wajaheysaa Qebtaan(Applied Economic).

Waxaad kaloo ku wajihi kartaa (Monetary and fiscal policies of the country)

 

webmasterka :codkasuxufiga.n.nu

Deeq Mohamed Ali

[email protected]

 

Ad: Get your own website at N.nu.

Welcome Mmc Deeq

Deeq Mohamed Ali to codkasuxufiga.n.nu 

 

Deeq Mohamed Ali (Mustafe Deeq)

Qof hadduu ku jeclaadee qalbigiisa ku siiyo (geeraar macaan)

kal wacan salamuhu

 kala ron sidoo dee

tan waamid safi aha

saxan oo lasooxusay

Inanyahay daraadaa
Intalkeygi gabayeee
Isbitaal in lay qaadiyo
Iilka daris la ahay
Ifka ma laha sugnaan
Arxan ii sameeyoo
Irdaha hayga xiran xayaati .

Iniinaha wadaha iyo qalbiga
Inantii asaabtee
Inantii wacneyd asluub loo dhameeyey
Ifka inaan kuugu jecelahay
Oo aan ilwaad qurux
Qalbigeyga ku qoray
Qeyrkaana ka sara mariyey
Qiimo badan miyaad ogsoontahay

Qof haduu ku jecleedee
Qalbigiisa ku dajiyee
Qeyrkaa ka xusho
Qafiif iyo qalooc lama bidee
Qalbiga loo furaaa qaali..

 

 

 

 

 

Cali iyo Xasan waxay ahayeen laba nin oo saaxiib ah isla markaana ah laba nin oo waalan

Waxay ku jiraan dhakhtarka dadka waalan deetana maalin maalmaha ka mid ah ayaa xasan Wuxuu arkay Swiming Pool deetana waxaa uu ku booday berkadii cali baa ka daba booday Oo Ka soo saaray berkadii... dr kii ayaa u yimi cali oo yidhi nin yahaw waad baxaysaa waayo Waad ladnaatay mar hadaad saaxiibkaa ka soo saartay berkadii laaakiin waxaa dhacday Saaxibkaa wuu is dilay oo wuxuu iska soo laad laadiyey geed...intuu soo booday cali ayuu Yidhi dhakhtar sidaa maaha isma dilin ee anaa galabta markuu qoyay geedka ku wadhay oo Xadhiga ku xidhay si uu u qalallo....lol odaygii cali ahaa inta dhegta la qabtay ayaa la geeyey Halkiisi......lol

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baadhitaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa.uu bal helo Dhakhtarkiise wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn. Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuusanayn markaas ayaad bogsan doontaa".

Ninkii ayaa yidhi "Waa hagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarkii yidhi "Waar ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yidhi "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey

Sheeko kale

Ninkii Bariiska ku gubtay

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin bariis aad u kulul cantuugay. markii uu afkii ka gubtay ayuu isyidhi hadii aad bariiska soo tufto dadka ayaa kula yaabi doona. markaas ayuu ku adkaystay inuu bariiska kulul afka ku celiyo oo kulaylka iska xamilo.

ninkii ayaa xanuun awgii ilmeeyay. Markaas ayaa wadaad soo hor fadhiyaa yaabay oo ninkii waydiiyay waar maxaa ku helay ood la ilmaynaysaa. Ninkii ayaa wadaadkii ugu jawaabay. nebigii ayaan yara xasuustay oo waan qiirooday!(csw)

Sheeko Kale

U cut my leg

beri ayaa nin damcay inuu warqad ingiriisi ah u qoro saaxiibkii oo jooga London. ninku inyar oo ingiriisi ah ayuu ka bartay buug la yidhaa, English for africa .isaga oo isticmaalaya intiisii yarayd ayuu saaxiibkii uqoray warqadan:

waxu yidhi:

You cut my leg(waad ilug gooysay)

my shop stands up(dukaankaygii wuu kacay)

and i opened my wife(xaaskaygiina waan fury)

REER AAN OGAHAY MA GUURO

Halkayskan, isna wuxuu ku baxay sheeko dheer, oo xikmad reebtay. Waxayna u dhacday sidan: Beri ayaa reer meel yaala ay dacawo soo gashay gurigoodi, waxayna ka cuntay yeeshii. Yeeshu waa xadhiga ugu muhiimsan xadhka la isticmaalo, marka aqalka miyaga lagu rarayo awrka. Yeesha laأ‚آ´aanteedna wax la rari karaa ma jiraan. Dacawadii reerkii kamay ag fogaanine, waxay u fadhiisatay duleedka. Markii reerkii isku soo wada laabtay habeenkii, ee ay xoolahoodina soo wada nabad xeraysteen, ayay ku tashadeen inay meeshan ka guuraan.Dacawadii oo maqlaysay doodda reerka iyo taladooda, ayaa intay qososhay, tidhi: WALLEE REER AAN OGAHAY MA GUURO.

BICIIDKA AAN DILI DOONO

Halhayskan, wuxuu isna ku baxay sheeko dheer, oo laga la hadhay xikmad.Beri ayaa waxaa meel ku noolaa nin ugaadhsade ah, wuxuuna qabay afo uur weyn u leh, oo ay aad iyo aad isu jeclaayeen. Ninka ugaadhsadaha ahi, wuxuu qaataa leeb iyo qaanso, wuxuuna soo dilaa ugaadha, ay ka mid yihiin biciid, deero, daba-taag, garanuug, goodir, geri gorayo, cawl, sakaaro, wiyil iyo wixii kale ee u gala dabinada uu dhigto.Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa intaanu gurigiisi ka ambabixin, afadiisi uu damcay inuu ka sii farxiyo, una soo bandhigo waxyaabo run ahaantii, qalbigiisa uu ku hayay, lana jeclaa inuu u sameeyo afadiisa.Sheeko dheer oo uu ku hindisoon jiray, dhex miiran jirtayna laabtiisa ayuu dibedda u soo wadhay afadiisi, wuxuuna ku yidhi:Biciidka aan dili doono, yeesha aan ka jir doono, lacagta laga siiso doono, sabeenta aan ka iibin doono, sumalka ay dhali doonto, subaga badhideeda laga shiili doono, adiga ayaa dhalayee dhan.Markii uu intaas ku yidhi, ayay afadiisi, oo aad saygeeda u qaderisaa, ay ka xishootay inay subagga, iyadu horta cabto, waxayna door biday inuu isagu cabbo, waayo isaga ayaa ka hawl iyo dhibaato badan iyada, oo maalin oo dhan ku soo rafaada, inuu soo ugaadhiyo. Sidaas awgeed, ayay la noqotay inuu isagu u xaq leeyahay inuu ka hor cabbo. Waxayna ku tidhi:Waar adiga ayaa gannayee dhan.(Gannaya waxaa weeye soo tooganaya ama soo dilaya ugaadha.)Sida sheekada lagu soo weriyay, dhowr goor ayaa midba midka kale, isagoo ku ixtiraamaya yidhi:Adigaa dhalayee dhan!adigaa gannayee dhan!Markii la ismari waayay, ayaa ninkii ugaadhsadaha ahaa, aad uga cadhooday, kana xumaaday inay afadiisa uurka lehayd, ku diiday subaggii uu la jecelaa inay isku nafaqayso ee uu u hibeeyay. Afadiina sidoo kale, waxay aad uga cadhootay, saygeeda, oo dhibaato iyo hawlo badani ay ka soo marto ugaadhsiga, inuu diido maamulka nafaqeynta ee ay u soo jeedinayso marwadiisu.Meeshaasi, ismaandhaaf jacayl ku salaysan oo laxaad leh, ayaa ka yimid, oo maalintaas reerkii waxaa dhexmaray isafgaran-waa iyo kala cadhoodh ay aad u kala xanaaqeen.Laakiin xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay, biciidkii weli lama soo dilin, wax subag ah oo labadooda dhex yaalay ma jirin! Weli biciidkii kanta ayuu dhex daaqayaa, gacantooda weli ma soo gelin. Weli saantiisi yeel lagama jarin. Weli wax lacagah oo yeel laga helay ma jirto, weli sabeen adhi ah lama soo iibin, weli sumal dhashay ma jiro. Weli badhi sumal lama shiilin. weli subag lama hayo.Bal arrintaas adigu! ka waran?

www.facebook.com/Mmc Deeq

Wixii faah faahin intaa dheer kala soo xiriir

EMILL:

[email protected]

 OR TELL: +2522 4055021 / 821348 /9166325/9131862

Boga facebook aan kuleeyahay click https://www.facebook.com /mmc.deeq#

 

This website was built using N.nu - try it yourself for free.(info & kontakt)
W/Q:Deeq Shariif Mohamed Ali (Mustaf Deeq)