FADEEXAD: Wasiir Goodax Oo Xoog Looga Soo Dajiyay Diyaarad Uu Raaci Lahaa. SABAB
Jan 7, 2015
Fadeexadii ugu darneyd noloshiisa Siyaasadeed ayaa maanta qabsatay Sii-hayaha Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre kadib markii maanta si sharaf darro ah looga soo dejiyay Diyaarad uu ka raaci lahaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, lagana reebay socdaal u qorsheysnaa oo uu Dibadda ugu bixi lahaa.
Wasiir Goodax ayaa sheekadiisu ka bilaabatay markii uu tegay maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho xilli soo dhameystay dhammaan Dokumentiyadii safarkiisa iskana xaadiriyay qeybta VIP-da ee Garoonka oo dadka madaxda ah ee dhoofaya diyaarada ku sugaan.
Saraakiisha Garoonka ayaa Wasiirka weydiiyay inuu heysto fasax bixitaan, maadaama uu shaqeynayo amarkii ahaa inaysan dalka ka bixi karin xubnaha Golaha Wasiirada ee sii-haya xilka inta ay wareejinayaan xilalkooda ama fasax ka qaataan Madaxweynaha.
C/llaahi Goodax Barre aya iska dhega tiray Fasaxa isagoo ku adkeysan inuu baxayo, kadibna markii la gaaray waqtigii diyaaradda la raaci lahaa ayuu ka mid noqday dadkii diyaarada galay ee kursi salka la helay, markiisana la isku diyaariyay inay diyaaradda safarkeedii bilowdo ayaa mas’uuliyiinta Garoonka ku amreen diyaaradda inaysan kici karin iyadoo aan la soo dejin C/llaahi Goodax Barre.
Shaqaalihii Diyaaradda ayaa ku wargeliyay Wasiirka in dhulka looga yeerayo oo amar lagu siiyay inay isaga dejiyaan, laakiin Wasiirka ayaa warkaas ka madax adeegay waxayna qaadatay dhowr daqiiqo oo muran iyo qeylo gudaha Diyaaradda ka dhacday kadib in Wasiirka la qanciyo.
Goodax ayaa la sheegay isagoo aan Diyaaradda weli ka degin inuu la xiriiray Agaasimaha Waaxda socdaalka C/llaahi Gaafow oo dood dheer ay dhex maray iyo muran ku saabsan waxa lagula kacayo sii-hayaha Wasiirka.
Gaafow ayaa u caddeeyay Wasiirka inuusan safri karin oo qoraal ka yaalo Garoonka ka soo baxay dowladda uu ka mid yahay, sharciguna qof waliba oo Golaha Wasiirada ka mida qabanayo haddii uusan fasax ka haysan Madaxweynaha.
Wasiirka Goodax ayaa kasoo degay Diyaaradii isagoo aad u careysan oo haddallo qaraar ay kasoo baxayaan, waxaana uu isaga huleelay Garoonka isagoo dib uu laabtay hooygiisa.
Wasiirka wuxuu ku dooday inuu xasaanad leeyahay isla markaana lagula kacay meel ka dhac aan la aqbali karin, wuxuuna si degdeg ah dacwad ugu gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari balse cid u dhaga dhigtay dacwadiisa lama hayo.
Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay ee fadeexad heerkan gaarsiisan ay qabsato Wasiir xil siihaya, waxaana loo aaneynayaa is adkeynta uu sameeyay C/llaahi Goodax inay arrinta uga dartay, waxaana intii uu garoonka joogay Wasiirka ku adkeeyay inuu mowqifkaas khaldan qaato C/raxmaan Ibbi oo isna safar ahaa.

